Read Time:23 Second
Washintogn: Dowladda Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday iney qeyb weyn ka qaadaneyso dib u dhiska iyo tayeynta ciidanka xoogga dalka Soomaaaliya.
Abaanduulaha Ciidamada waaxda wasaaradda gaashaandhiga Mareykanka u qaabilsan qaaradda Afrika ee AFRICOM, Jeneral David M. Rodrigues iyo kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee Afrika, Lind Thomas-Greenfield oo si wadajir ah shirjaraa’id u qabtay ayaa sheegay in Mareykanka uu waddo qorshayaal uu dowladda Soomaaliya uga caawin doono sidii loo tayeyn lahaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliya