Mareykanka oo taageeray dhismaha maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Mareykanka oo taageeray dhismaha maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya

Mareeg.com: Ergeyga Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya James P. McAnulty ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo doorashaddii dhacday November 17, taasi oo madaxweynaha  maamulka ku meel-gaarka ee koonfur galbeed loogu doortay Shariif Xasan Sheekh Aadan.

“Dowladda Mareykanka waxay u hambalyeyneysaa dhamaaan qeybaha kala duwan ee ka qeybqaatay wadahadaladdi socdey bilooyinkii la soo dhaafay, kuwaasi oo surtagaliyey in doorasho nidaamsan ay dhacdo. Waxaan kaloo aqoonsanahay doorka ay dowladda Federalka ka qaadatey surtagalinta maamul dhisiddan iyo dib u heeshisinta guud. Waxaana ku boorineynaa dowladda federalka inay sii wadoo surtagalinta hiigsiga 2016 oo ay ka mid tahay maamul u sameynta gobaladda” ayuu yiri James P. McAnulty.

“Dowladda Mareykanka waxay ku boorineysaa madaxda mamulka kumeel-gaarka ee Koonfur galbeed inay tabaha u dhigaan maamul ay u wada dhanyihiin dadka deegaanka, kana bahi tiro dhamaan alaadaha ay u baahanyihin dadka goboladddan dago. Waxaan kaloo ku dhiiragalineynaa maamulka  ku meelgaarka koonfur-galbeed inay wada shaqeyn iyo la tashi la sameeyaan dowladda Federaalka si loo suurtagaliyo in mustaqbalka maamul goboleed kamid ah dowladda federaalka uu ka dhasho gobolka,” ayuu yiri Ergeyga Mareykanka ee Somalia, James McAnulty.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!