Mareykanka oo sii xoojinaya duqeynta dowladda Islaamiga ah * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Mareykanka oo sii xoojinaya duqeynta dowladda Islaamiga ah

Mareeg.com: Aqalka Cad ee looga arrimiyo waddanka Mareykanka ayaa sheegay in Madaxweyne Obama uu meelmariyay duqeymaha xaga cirka ah ee Mareykanka ay ku hayaan maleeshiyaadka Dawladda Islaamiga ah ee jooga meel u dhaw biyo xireenka Muusil.

Mareykanka ayaa sheegay in weerraradaasi lagu taageerayo ciidammada ammaanka ee Ciraaq ee dadaalka ugu jira sidii ay dib ugu qabsan lahaayeen goobtaasi muhiimka u ah biyaha iyo korontada.

Saraakiishu waxa ay sheegeen in go’aankaasi uu xaqiijinayo sida uu Mareykanka u doonayo inuu difaaco muwaadiniinta iyo danaha Mareykanka ee Ciraaq.

“Haddii uu howlgabo Biyo Xireenka Muusil waxaa taasi keeni kartaa iney khatar gasho nolosha dad badan oo Ciraaqiyiin ah iyo shaqaalaha Mareykanka ah ee ku sugan dalkaas, gaar ahaan kuwa jooga saafaradda Mareykanka ee Baqdaad. Sidoo kale waxaa arrintaas keenin kartaa in xukuumadda Ciraaq ay adeegyo badan gaarsiin weydo muwaadiniinta” ayaa lagu yiri war kazoo baxay Aqalka Cad ee Mareykanka.

Boya Xireenka Muusil ayaa korontada siiya dalka Ciraaq oo dhan, waxaana halkaas horay u qabsaday dagaalyahanada dowladda Islaamiga ah, iyadoo laga saaray ciidamada loo yaqaano Bashmarga ee Kurdiyiinta Ciraaq.

Tan iyo markii uu Mareykanku faragalinta ka bilaabay waqooyiga Ciraaq toban maalmood ka hor, ayaa waxa ay si taxadar leh uga fiirsanayaan erayada ay adeegsanayaan.

Saraakiisha ammaanka ee Mareykanka ayaa ka cabsi qaba in burburinta biyo xireenkaasi ay sababi karto inay fatahaad weyn ka gaystaan magaalada Muusil iyo suuragalnimada inay gaaraan qeybo ka mid ah magaalada Baqdaad, halkaasi oo ay ku taallo safaaradda Mareykanka.

Walaaca rasmiga ahse waxa uu yahay in gudaha Mareykanka aanan laga danaynayn faragalin milateri oo ballaaran oo Mareykanku uu ka gaysto gudaha Ciraaq.

Kurdish_forces_512x288_ap

Axadii shalay ayaa ciidamada Bashmarga sheegeen iney dib ula wareegeen Biyo Xireenka Muusil, kaasoo dowladda Islaamiga ah horaya ugala wareegtay bishii hore.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!