Mareykanka oo sheegtay in uu diley Sarkaal ka tirsanaa Shabaab * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Mareykanka oo sheegtay in uu diley Sarkaal ka tirsanaa Shabaab

War kasoo baxay Taliska Mareykanka ee Qaarada Afrika ee loo yaqaano (Africom) ayaa waxaa lagu sheegay in Mareykanka uu Gobolka Jubbada Hoose ku diley Sarkaal ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab kaas oo horay u diley Askari ka tirsanaa Ciidamada Mareykanka.

Afhayeenka  Milliteriga Maraykanka ka jooga Qaaradda Afrika ee AFRICOM Col, Chris Karns ayaa sheegay in duqeyn 19kii Bishii hore ay ka fuliyeen meel u dhow degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe ku dileen Sarkaalka ka tirsanaa Shabaab laguna Magacaabi jiray Cabdullaahi Jabiyow  iyo  Xubin kale.

Waxa uu intaasi ku daray in Cabdullaahi Jabiyow uu mas’uul ka ahaa weerarkii hoobiyeyaasha ahaa ee uu ku dhintay Askari Mareykan ah oo lagu Magacaabi jiray Alexander Conrad weerarkaas oo dhacay 8-dii Bishii June sanadkii 2018.

Askariga ka tirsanaa Ciidamada Mareykanka ee weerarkaasi hoobiyeyaasha ah lagu dilay ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Saddex Alifle Alexander Conrad,waxaana uu ka mid ahaa Ciidamada Cirka ee dowladda Mareykanka.

Mareykanka ayaa sidoo kale shaaciyey in sanadkaan 2019 uu kordhiyey weerarada dhinaca cirka ah,isla markaana Soomaaliya uu ka fuliyey 33 Weerar oo ay ku dhinteen in ka badan 300 oo Xubnood oo ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.