Mareykanka oo sheegay inuu dilay khabiir hubka kiimikada oo ka tirsan ISIS * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Mareykanka oo sheegay inuu dilay khabiir hubka kiimikada oo ka tirsan ISIS

Mareeg.com: Militariga dowladda Mareykanka ayaa sheegaya in khabiir dhanka hubka kiimikada ah oo ka mid ahaa dowladda Islaamka (Daacish) lagu dilay duqeyn diyaarado ay ka fuliyeen dalka Ciraaq, gaar ahaa meel ku dhow magaalada Muusil.

Mareykanka ayaa sheegaya dhimashadan ninkan oo lagu magacaabay Abu Malik, ay dhabar jab ku tahay awooda Daacish ay ku sameysan lahayd hub kiimiko ah.

Abu Malik ayaa la sheegayaa inuu u ahaa injineer dhanka hubka kiimikada ah dowladdii Sadam Xuseen, ka hor intaan xilka laga tuurin 2003-dii, wuxuuna Alqaacidda ku biiray sanadkii 2005.

Khilaafada Islaamka waxa ay maamushaan dhul ballaaran oo ka tirsan Suuriya oo ah halka dowladda ay ku burburineyso hubkeeda kiimikada ah, balse lama cadeynin in dhammaan maqaasiinadeeda la baabi’iyay.

Diyaaradaha dagaalka ISbaheysiga ka horjeeda ISIS ee Mareykanku hogaaminayo ayaa ilaa 2000 weerar ku qaaday saldhigyada ururkaasi ku leeyahay Ciraaq iyo Suuriya tan iyo bishii Agoosto 2014.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!