Mareykanka oo shaki geliyay howlgallada ka socda Somalia * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Mareykanka oo shaki geliyay howlgallada ka socda Somalia

Dowladda Mareykanka ayaa u muuqata in ay dooneyso in wax ka badal ay ku sameyso howlgallada militari oo ay ka wadaan Dalal ku yaalla Afrika.

Howlgallada gaarka ay Ciidamada Maraykanka ka wadaan Soomaaliya iyo dalal kale oo Afrika ku yaalla ayaa waxay u badan tahay in ay joogsadaan.

Sababta loo hakinayo howlgalladan ayaa lagu sheegay khataro horleh oo ka imaanaya Dalalka Ruushka iyo Shiinaha, taasi oo Mareykanka uu markan doonayo in uu xooga saaro.

Waaxda Difaaca Mareykanka (Pentagon) ayaa soo saartay war ku aadan qorshan waxaana haatan ay dib u eegis ku wadaan howlgallada Mareykanka uu ka wado Soomaaliya iyo Dalal kale.

Dib-u-eegista ku aadan howlgalladan ayaa waxaa amray Xoghayaha Difaaca Mareykanka, Jim Mattis, sida lagu daabacay Wakaalada Wararka ee New Yorka Times.

Wargeyska ayaa daabacay in Mareyknakan uu howlgalladan ka waday Soomaaliya iyo dalal kale 3-dii sanno ee ugu dambeysay.

Waxaa sidoo kale ay intaasi ku dareen in howlgallada ujeedkoodu ahaa sidii looga adkaan la haa  Ururada Al Qaacida, Al Shabaab, Daacish, Boko Haaraam iyo Kooxo kale.

Pentagon ayaa bilaawday qiimeyntan kadib weerar khasaaro ka soo gaaray Ciidamada gaarka ee Mareykanka oo ka dhacay Dalka Niger.

Weerarkaasi ayaa Mareykanka waxaa looga dilay ilaa 4 askari oo ka mid ahaa Ciidamada sida gaarka u tababaran ee Dalkaasi.

Ilaa 7,300 oo askari oo ka soo jeeda Dalka Mareykanka ayaa siyaabo kala duwan uga howlgalla Dalalka Yemen, Libya, Somalia iyo Dalal kale, kuwaasi oo howlgalladoodu ku beegsado Ururada ka dhisan Dalalkaasi.

Bishii la soo dhaafay aye aheyd markii Wasaarada Gaashaandhiga Mareykanka ay shaacisay in ay wado qorshe ku aadan dhimista howlgallada ka socda qeybo ka mid ah Dalalka Afrika.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.