Mareykanka Oo Saraakiil Milateri U Diray Soomaaliya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Mareykanka Oo Saraakiil Milateri U Diray Soomaaliya

Muqdisho, Mareeg.com: Dowladda Mareykanka ayaa xaqiijisay iney la-taliyeyaal milateri u dirtay dalka Soomaaliya si ay gacan uga gaystaan howlgalka nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) iyo ciidamada Soomaaliya.

Afhayeenka taliska Afrika ee ciidanka Mareykanka Colonel Tom Davis ayaa ayaa shalay oo jimce ah sheegay in askartan loogu talagalay inay ka qeyb qaataan qorsheyaasha iyo talooyinka lagu taageerayo howlgalka AMISOM iyo ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya..

Colonel Tom Davis ayaa tilmaamay in la taliyaashaan Soomaaliya loogu diray sidii loo xoojin lahaa nabadda iyo xasilloonida dalka Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika.

Ciidanka Mareykanka waxaa saldhig looga dhigay garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee Muqdisho, halkaasoo ay horay u jireen warar sheegaya iney joogeen xubno ka tirsan sirdoonka Mareykanka.

Bishii October ee sanadkii hore ayaa la shaaciyay howlgalka ciidanka Mareykanka ee Soomaaliya, balse wuxuu si buuxda u billowday bishii December ee ina dhaaftay, waxeyna noqonaysaa markii ugu horreysay oo ciidan Mareykanka ka socda loo diro Soomaaliya tan iyo sanadkii 1993-kii oo Mareykanka looga dilay Muqdisho 18 askari, loogana soo riday labo diyaarad oo helicopters ah.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!