Mareykanka oo Sanadkaan duqeyntii ugu badneyd u geystay Xarumaha Al-Shabaab * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Mareykanka oo Sanadkaan duqeyntii ugu badneyd u geystay Xarumaha Al-Shabaab

Mareykanka ayaa sanadkaan 2019 waxaa uu aad u kordhiyey weerarada dhinaca dhinaca cirka ah oo uu la beegsado saldhigyada iyo Xarumaha ururka Al-Shabaab Gobolada qaar ee dalka.

Warbixin soo baxday ayaa waxaa ay sheegeysaa in sanadkaan Mareykanka uu Soomaaliya ka fuliyey fuliyay 63 weerar oo dhanka Cirka,isla markaana khasaaro kasoo gaareen Saraakiil Al-Shabaab ah iyo dad rayid ah.

Weerarradii ugu dambeeyay waxaa uu Al-shabaab Axaddii todobaadkan ka fuliyay Gobolka Shabeellaha hoose halkaas oo uu sheegay in uu ku dilay 4 xubnood oo ka mid ah AL-shabaab kuna gubay laba Gaari.

Mareykanku ma sheegin khasaaraha guud ee 63 weerar ka dhashay sanadkan 2019 hayeeshee hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa ku eedeeyay Mareykanka in uu dad rayid ah ku laayo islamarkaana qariyo khasaaraha rayidka.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa markii uu la wareegay talada Waddanka Mareykanka waxaa uu amray kordhinta weerarrada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish ee ka socda Soomaaliya.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!