Mareykanka Oo Raba Inuu Dego Xaduudaha Soomaaliya La Wadaagto Kenya Iyo Jabuuti

Read Time:1 Minute, 21 Second

Muqdisho, Mareeg.com: Mareykanka oo diyaaradihiisa aan duuliyaha laheyn horay weeraro dad lagu dilay uga geysteen Soomaaliya ayaa qorsheynaya inuu saldhigyo uu kala dagaallamo Alshabaab ka dhisto xuduudaha ay dalka Soomaaliya la wadaagaan dalaka Jabuuti iyo Kenya oo labaduba ciidamadooda Soomaaliya joogaan, qeyna ka yihiin dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.

Sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan Wasaarada Gaashaandhiga mareykanka ee Pentagon, dowladda Mareykanka ayaa dooneysa in saldhigyo milateri oo lagula socdo dhaq dhaqaaqa Al-shabaab ay ka sameysato xuudaha ay Soomaaliya la wadaagaan dalalka Jabuuti iyo Kenya.

Qorshaha lagu dhisayo saldhigyadan ayaa waxaa ku bixi doono lacago malaayiin dollar ah, iyadoo saldhiga Mareykanka ka sameysanayo Kenya lagu tababari doono ciidamada, isla markaana ay xarumo ka dhiganayaan Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Kenya.

Dalka Jabuuti oo saldhig milateri ku leeyihiin Ciidamada Mareykanka ayaa ah meelaha laga soo abaabulo weerarada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo diyaaradaha aanay cidna wadin ee Drone loo yaqaano ka soo kacaan saldhig milateri ku yaal dalkaas.
Saldhigyadan milateri ayaa waxay suura gelin doonaan in weeraro dhinaca badda ay ciidamada Mareykanka ka qaadaan, iyo weeraro dhul iyo cir oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Soo ifbixidda qorshaha Mareykanku ku doonayo inuu saldhigyo ciidan kaga dhisayo xuduudaha ay Soomaaliya la wadaagaan dalalka Kenya iyo Jabuuti ayaa ku soo beegmaysa xilli Al-shabaab ay ku hanjabtay inay weerarro ka geysan doonto dalalka ay ciidamadau kaga sugan yihiin Soomaaliya.

Mareykanka ayaa waxaa kaga sugan dalka Jabuuti 4,000 oo askari, kuwaas oo halkaas u jooga howlo ay kula dagaalamayaan waxa loogu yeero rgagaxisada, waxaana laga soo abaabulaa saldhiggaas howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee uu ka fuliyo gudaha Soomaaliya.

Mareeg.com

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %