Obama oo raba inuu $87.7 milyan dollar siiyo Somalia * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Obama oo raba inuu $87.7 milyan dollar siiyo Somalia

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa waxaa uu aqalka Congres-ka ee dalkiisa u gudbiyay codsi ah in ay taageeraan oo ay meel mariyaan dhaqaale malaayiin dolar ah oo dowladaasi ay ku taageerto dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

11 mudane oo ka tirsan aqalka Congres-ka ayaa taageeray codsiga Madaxweynaha Dowladda Mareykanka, iyagoo warqad u qoray shir guddoonka aqalka oo ay ka codsadeen in la taageero codsiga Madaxweyne Obama, islamarkaana Soomaaliya taageero dhaqaale lala garab istaago.

“Waxaan si deg deg ah oo xoogan u taageereynaa codsiga Madaxweynaha Mareykanka Mr Obama ee ku aadan in Soomaaliya lagu taageero aduun lacageeed oo gaaraya $87.7 Million dolar, Lacagtaasi oo qeyb ka qaadaneysa horumarinta dhaqaalaha Dalka Soomaaliya iyo ammaanka Wadanka Soomaaliya oo ay la dageen xasilooni daro siyaasadeed iyo kooxo Argagaxiso ah, waxaa nalooga baahan yahay in aan si buuxda u taageerno, Dowladda Mareykankuna qaadato doorkeeda caawimaada ah inagoo ka faa,ideysaneyna Waqtiga” ayaa lagu yiri warqada ay u qoreen Shir guddoonka Xubnahani.

Mudanayaasha ayaa waxa ay intaa raaciyeen in dalka Soomaaliya Bilihii ugu dambeeyay uu u muuqanayo mid ka soo hagaagay xaaladii adkeeed ee uu dhowr iyo labaatanka sano ku soo jiray Aqalka Congres-ka ayayna u soo jeediyeeen in codsiga Madaxweynaha Muhiimad weyn la siiyo oo Soomaaliya la garab istaago.

“Wadankaasi dhaca Geeska Afrika ee Soomaaliya waxa uu u baahan yahay Caawimaad balaaran Hay’adaha Dowliga ma ahan kuwo awood leh laakiin hadda ayay soo kabanayaan waxaa naga go’an in aan si dhab ah u taageerno Shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladood sanadkii 2014-ka 21.6 Million oo dolar ayaan siinay Dowladda Cusub Ee Soomaaliya si ay iskugu balaariso dalka oo dhan” ayaa lagu yiri qoraalkan.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.