Mareykanka oo qirtay in askar looga diley weerarkii lamu

Read Time:54 Second

Warbixin ay soo saartay Wasaarada Difaaca Mareykanka ayaa lagu sheegay in weerarka lala beegsaday xarunta milatari ay ku dhinteen hal askari iyo laba qandaraasleyaal ah, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay laba qof oo reer Mareykan ah.

Dagaalyahannada ururka Al-Shabaab ayaa weerrar ku ekeeyay saldhig ay leeyihiin ciidammada badda oo ku yaal deegaanka Lamu ee waddanka Kenya, kaas oo ay wada deggan yihiin ciidammada Badda Mareykanka iyo Kenya.

Milatariga Mareykanka ayaa sheegay in laba qof oo kale oo ka tirsan wasaaraadda gaashandhigga uu dhaawac ka soo gaaray weerarkaas.

”Xaaladda dhaawacooda, haatan wuu wanagaasanahay, gudaha Kenyana waa laga qaaday” sidaasi waxaa sheegay taliyaha milatariga Mareykanka ee Afrika.

Taliyaha ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) Janaraal Stephen Townsend ayaa warbixinta ku sheegay: ” Qalbiyadeena iyo ducadeena ayaa la jira qoysaskii iyo saaxibadeenii ku geeriyooday weerarkii lamu waana soo qaban doonaa kuwii ka dambeeyey weerar kaas ayuu yiri”Taliyaha AFRICOM.

Al-shabaab waxa ay dhinacooda sheegteen in weerarkaas ay ku dileen 17 askari oo Maraykan ah iyo 9 ka tirsan mileteriga Kenya, ayna ku burburiyeen 7 dayuuradood iyo in kabadan 5 gaari oo kuwa milleteriga ah.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %