Mareykanka oo qalab Milateri siiyey ciidamada Komaandoosta Soomaaliya

Read Time:51 Second

Muqdisho – Mareeg.com: Ilaa 100 askari oo ka tirsan ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta tababar loogu soo gabagabeeyay xerada tababarka ciidanka ee Jasiira ee magaalada Muqdisho.

Doowlada Mareeykanka, ayaa maanta qalab ciidan oo loogu tala galay Ciidamadaas Milatariga ee loo yaqaano Kumaandooska waxay gudoonsiiyeen Taliska Ciidamada Soomaaliya.

Qalabkaan ayaa loogu talagalay in lagu qalabeeyo, ciidamada Kumaandooska ah ee tababarka uga socdo Xerada Jaziira ee duleedka magaalada Muqdisho.

Qalabkaan oo ka koobnaa Hub iyo Gaadiid dagaal, ayaa saraakiisha Mareeykanka ka gudoomay Taliyaha Ciidanka Xoodaga Dalka Soomaaliyeed, Jeneral Indho-qarshe.

Tababarka ayaa socday muddo sagaal bilood ah, sida uu warbaahinta u sheegay taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdirsaaq Khaliif Cilmi.

Taliyaha ayaa sheegay inay ciidanka cusub ay ka qeyb-qaadan doonaan sugidda ammaanka caasimadda Muqdisho, waxaana hoggaamin doona Kornayl Xasan Maxamuud oo ka tirsanaa saraakiishii hore ee ciidanka sida gaarka ah u tababarnaa ee Soomaaliya.

Tababareyaal ciidan oo ka socday dowladda Mareykanka ayaa la sheegay inay tababarka siiyeen ciidankan komaandoosta ah.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.