Mareykanka oo Muqdisho ka dejiyey gaadiid aan rasaastu karin (Maxey tahay sababtu?) * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Mareykanka oo Muqdisho ka dejiyey gaadiid aan rasaastu karin (Maxey tahay sababtu?)

Mareeg.com: Diyaarad weyn oo nuuca xamuulka ah ayaa maanta Muqdiusho ka dejisay labo gaari oo ah nuuca aan rasaastu karin, kuwaasoo ay adeegsan doonaan madaxda safaaradda Mareykanka ee Muqdisho iyo shaqaalahooda.

Dowladda Mareykanka ayaa bishii Febraayo ee sanadkaan 2015 waxay si rasmi ah safiir ugu soo magacawday Soomaaliya, muddo 24-sano kadib, waxaana loo magacaabay Haweeney muddo ka shaqeyneysay Wasaaradda Arrimaha Dibada Mareykanka oo lagu magacaabo, Katherine Dhanani.

baabuurta USA (2)

Safaaradda kaliya ee reer galbeedku leeyihiin ee ka furan Muqdisho ayaa ah safaaradda Britain oo ku dhex taala xeyndaabka weyn ee aadka loo ilaaliyo ee Xalane ee xarrunta u ah ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Mareykanka ayaan Safaarad joogto ah ku laheyn Soomaaliya, tan iyo sanadkii 1991-dii, waxaana mudadii bur burka uu u soo magacaabayay Soomaaliya Ergey, kaasoo uu fadhigiisa uu ahaa magaalada Nairobi.

Mareykanka ayaa sheegaya in wixii haatan ka dambeysay uu si rasmi ah uga shaqeyn doono gudaha Soomaaliya, iyadoo safaaraduna Muqdisho degi doonto.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!