Mareykanka oo Muqdisho ka bilaabey wada-hadallo uu la yeelanayo siyaasiyiinta Mucaaradka

Read Time:48 Second

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Afrika Tibor Nagy oo booqasho ku yimid Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu la kulmay Xildhiaanada Mucaaradka ah ee ku jira Golaha Shacabka.

Xildhibaanada uu la kulmay oo kala ah Cabduqaadir Cosoble Cali iyo Faarax Sheekh Sheekh Cabduqaadir ayaa waxaa ay ka wada hadleen arrimo kala duwan, amniga, siyaasadda iyo doorashooyinka in waqtigooda ku dhacaan.

Horey ayuu Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Afrika Tibor Nagy waxaa uu ula kulmey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre,iyaga oo ka wada hadley xariirka iyo iskaashiga labada dowladood, la dagaallanka argagaxisada iyo qorshaha deyn cafinta ee gebabeda maraya.

Bilihii la soo dhaafey Mareykanka dadaal ku bixinayey in uu wada-hadallo la yeesho Madaxda Dowladda & iyo Siyaasiyiinta mucaaradka , si loo helo siyaasad mideysan, loona gaaro in dalka ka dhacdo doorasho loo dhan yahay.

Sidoo kale Safiirka dalka Maraykanka ee Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto ayaa Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa uu kula kulmey Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada,Koonfur Galbeed, Puntland iyo Jubbaland.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %