Mareykanka oo mucaawino cirka uga soo daadiyey kooxda Êzidî ee Ciraaq (Maxey tahay kooxdaasi?)

Read Time:1 Minute, 48 Second

Mareeg.com: Sida aya sheegtay wasaaradda gaashaandhiga Mareykanka, diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa mucaawino cirka uga soo daadiyey kumanaan qoys oo kazoo jeeda Isirka Êzidî ee dalka Ciraaq, kuwaasoo ay barakiciyeen kooxda Suniyiinta ah ee magacaabo Daacish ee maamulka qeybo badan oo ka tisan Ciraaq iyo Shaam.

Dadkan kazoo jeeda qowmiyiyadda Êzidî oo dega dalka Ciraaq iyo dalal kale ayaa waxey ka qaxeen magaalooyinka Muulisl, Sanjaar iyo magaalooyin kale oo ku dhow magaalada Arbiil oo ah caasimadda Ismaamul goboleedka Kurdiyiinta Ciraaq.

Êzidî

Warar dhawaanahan soo baxay ayaa sheegayey in kooxda Daacish ay dalka Ciraaq ka furtay suuqyo lagu iibiyo dumarka Iriska Êzidî iyo Kisitaanka ah, taas ayaana keentay in dadkaas ka cararaan dhulkooda, islamarkaana gaaraan dhulka Kuridiyiinta.

Goobaha dadkaas xalay raashinka loogu daadiyey waxaa gaaray ciidamada Kurdiyiinta Ciraaq ee loo yaqaano Bashmarga si ay raashinkaas dadka ugu qeybiyaan.

Dhanka kale, farax ayaa hareeyey dadka ku nool magaalooyinka Arbiil iyo Karkuuk iyo ay maamulaan Kurdiyiinta Ciraaq kadib markii shalay diyaaradaha dagaalka Mareykanku duqeynta ku bilaabeen saldhigyada Daacish.

Sidoo kale, waxaa la sheegayaa inuu kor u kacay muraalkaa ciidamada Kurdiyiinta ee Bashmaraga, kuwaasoo ka cabsi qabay in Daacish oo ah urur xoog badan ay qabsadaan magaalooyinka Arbiil iyo Karkuuk.

Êzidî-yada ayaa la sheegaa iney sala ahaan kazoo jeedaan Kurdiyiinta, waxeyna badankoodu ku noolyihiin dalka Ciraaq, gaar ahaan buuraha Sanjaar iyo magaalada Muusil. Kooxo yar yar oo iyaga ka mid ah ayaa sidoo kale ku nool dalalka Turkiga, Suuriya, Iran, Georgia iyo Armenia.

Dadka aaminsan caqiidada Êzidî-yada ayaa laga qabaa afkaaro kala duwan, taariikhaha qaar ayaa sheegaya iney u nisbo sheegtaan Yazed Bin Mucaawiya oo ahaa Khaliifihii labaad ee dowladdii Umawiyiinta, warkaas dad badan ayaa diiday. halka taariikho kale sheegayaan in caqiidada Êzidî-yadu tahay mid ka timid waqtiyo hore.

Êzidî-yada ayaa aaminsan waxyaabo la tab leh, waxey leeyihiin qiblo u gaar ah, oo waxey jeestaan deegaanlagu magacaabo Lalash oo shaca woqooyiga Ciraaq, halkaas ayaa waxaa ku aasay wadaad ay aaminsan yihiin inuu barakeysan yahay, sidoo kale waxey leeyihiin soon iyo ciido u gaar ah.

Roja_Piroz

Waxey aamin yihiin iney tahay in qorraxdu tahay wax muqadas ah, sidaas ayaana calaamadda lagu garto kooxdaas waxey ka dhigteen sawirka halka ay dukadanan ee Lalash iyo qorraxda.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.