Mareykanka oo liiska argagixisada ku daray amiirka Alshabaab * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Mareykanka oo liiska argagixisada ku daray amiirka Alshabaab

Dowladda Mareykanka, ayaa liiska ururrada iyo shakhsiyaadka ku lugta leh argagixisanimada ku dartay hoggaamiyaha Al-Shabaab Axmed Diiriye iyo sarkaal kale oo kooxda ka tirsan.
War ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka, ayaa lagu sheegay in Axmed Diiriye oo loo yaqaano Abuu-Cubeyd uu amray weerarro ay Al-Shabaab ka geysatay dalalka Soomaaliya iyo Kenya, tan iyo markii uu xilka qabtay, kaddib dilkii hoggaamiyihii Al-Shabaab, Axmed Cabdi Godane bishii September, sannadkii hore.
Mareykanku, wuxuu sheegay in Abuu-Cubeyda uu ku shaqeeyo mabaa’diidii Godane, isagoo xubin firfircoon ka ah Al-Qaacidda.
Mahad Karatee oo ah madaxa sirdoonka Al-Shabaab, ayaa isna liiska argagixisada lagu daray, waxayna wasaaradda arrimaha dibaddu sheegtay in uu madax u yahay kooxda Amniyaatka oo ka mas’uul aheyd weerarkii jaamacadda Garissa.
Liiska cusub ayaa yimid laba cisho kaddib, qarax ismiidaamin ah oo Al-Shabaab ay ku dishay shaqaalaha Qaramada Midoobey, magaalada Garowe. Xukuumadda Washington, ayaa Al-Shabaab u aqoonsatay koox argagixiso sannadkii 2008.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!