Mareykanka oo liiska argagixisada ka saaraya Cuba * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Mareykanka oo liiska argagixisada ka saaraya Cuba

Mareeg.com: Wasiiradda arrimaha dibeda ee Maraykanka iyo dalka Cuba ayaa kullan ay albaabada u laabanyihiin waxa uu uga socdaa Dalka Panama ka hor inta aanu furmay shirweynaha wadamada loo yaqaano Americas.

Waa kulankii ugu heerka sareeyey ee labada dhinac yeesheen wixii ka dambeeyey kacdoonkii ka dhacay Cuba in ka badan nus qarni ka hor.

Waxa lagu wadaa in markii ugu horaysay Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama iyo dhigiisa Cuba Raul Castro ay si rasmi ah u kulmaan.

Mar sii horaysayna waxa soo baxay war sheegaya in wasaaradda arrimaha dibeda ee Maraykanka ay ku talisay in Cuba laga saaro liiska wadamada maal geliya argigixisada.

Bishii Disembar ee 2014, Madaxwaynayaasha Maraykanka iyo Cuba, Barack Obama iyo Raul Castro ayaa ku dhawaaqay in Maraykanka iyo Cuba ay bilaabi doonaan wadahadalo , kuwaas oo looga gol leeyahay in dib loogu soo celiyo xiriirkii diblomaasiyadeed.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!