Mareykanka oo labo jibaaraya tayeynta & dhismaha ciidanka Soomaaliya

Read Time:39 Second

Washington – Mareeg.com: Mareykanka ayaa sheegay inuu labo jibbaarayo tayaynta iyo dhisidda ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya, si looga adkaado Alshabaab.

Sida ay sheegtay Linda Thomas-Greensfield oo ah kaaliyaha xog-hayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka u qaabilsan Afrika, Mareykanka ayaa doonaya inuu horumariyo qalabka iyo awoodda ciidanka Soomaaliya.

Linda ayaa hadalka ka sheegtay xarunta waaxda arrimaha dibadda ee dalka Mareykanka. ayaa tilmaamtay in dowladda Mareykanka ay in muddo ah kala shaqeyneysay dalalka Geeska Afrika sidii loo ciribtiri lahaa Al-Shabaab, waxayna rajo weyn ka muujisay in dhowaan laga guuleysan doono kooxda.

Linda Thomas-Greensfield ayaa sheegtay in Mareykanku labo jibaari doono deeqaha uu siiyo ciidamada Soomaaliya.

Mareykanka oo sheega inuu xoog u taageero ciidanka Soomaaliya ayaan bixin hub la mid ah kan ay wataan ciidamada Midowga Afrika ee Amiosm.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 0 %
Sad
Sad
0 0 %
Excited
Excited
0 0 %
Sleepy
Sleepy
0 0 %
Angry
Angry
0 0 %
Surprise
Surprise
0 0 %