Mareykanka oo kala hadlay wadama dhaca qaraada afrika sidii loo wiiqi lahaa awooda Al-shabaab

Read Time:53 Second

Muqdisho (mareeg News ) Xubno ka socda dowlada Mareykanka ayaa socdaal ku maraya wadamada dhaca bariga Qaaradaan Afrika.

Socdaalkaas ayaa dowlada Mareykanka waxay ku tilmaantay in uu yahay mid wadamadaas ay kala hadlayaan sidii looga adkaan lahaa Al-shabaabka ka dagaalama Soomaaliya.




Xubnahaan Mareykanka ah ayaa gaaray dalalka Jabuuti, Itoobiya iyo Eritrea waxaana mas`uuliyiinta wadamadaas ay kala hadleyn sidii leyskaga kaashan lahaa, dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Waxaana Mas`uuliyiintaan ay tilmaameyn in Al-shabaab ay Qatar ku yihiin wadamada Qaarada Afrika.



Danjire Donald Y. Yamamoto, oo ka mid ahaa xubnihii dowlada Mareykanka ee qeybta ka ahaa socdaalkaan ayaa yiri”Waa muhiim in la xoojiyo xiriirka dowlada Mareykanka iyo dowlada kale ee Qaarada Afrika, si looga adkaada kooxaha Argagaxisada ah”

Mareykanka ayaa sheegay in uu wax badan uu ka qabtay dhaq dhaqaaqa Al-shabaab, islamarkaana dowlada Soomaaliya uu ka caawiyay sidii loo wiiqi lahaa awooda kooxda.



Dowlada Mareykanka ayaa kordhisay sanadihii dambe weerarada duqeymaha ah ee Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ay la beegsadaan Al-shabaab.

About Post Author

Ahmed weheliye Gaashaan

freelance journalist covering events in Somalia, SocialActivist, writer, PoliticalAnalyst .contact gaashaan1960@gmail.com
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %