Mareykanka oo ka noqday danjirihii uu usoo magacaabay Soomaaliya

Read Time:40 Second

Mareeg.com: Madaxweynaha dalka Mareykanka, Barack Obama ayaa ka laabtay danjire uu labo bilood ka hor usoo magacaabay inuu dalkiisa u fadhiyo Soomaaliyam, oo lagu magacaabo Katherine Simonds Dhanani.

Katherine-Simonds-Dhanani

Obama ayaa xilkaasi u magacaabay haweeney muddo dheer ka soo shaqeysay qaaradda Afrika, waxaana lagu waday in ay noqoto safiirkii ugu horreeyay ee mareykan ah oo muddo 25 sano ah kaddib ka hawlgala safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya tan iyo burburkii dowladda dhexe ee soomaaliya sanadkii 1991-kii.

Sida ay qortay Foxnews, haweenyday xilkaas loo magacaabay ee Katherine Simonds Dhanani ayaa jagadaas u diiday arrimo iyada u gaar ah oo aan la faahfaahin, taasoo kalliftay in madaxweyne Obama magaaabistii hore ka laabto.

Madaxweyne Obama ayaa la sheegay inuu haatan raadinayo qofkii noqon lahaa safiirka Mareykanka u jooga Soomaaliya, kadib markii ay diiday  Katherine Simonds Dhanani

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %