Mareykanka oo ka digay weerar ka dhaca Uganda * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Mareykanka oo ka digay weerar ka dhaca Uganda

Kampala: Safaaradda Mareykanka ee ku taala magaalada Kampala ee caasimadda Uganda ayaa sheegtay in ay heshay xog ku saabsan suurtagalnimada weerarro argagixiso oo ka dhaca magaaladaasi.

Safaaraddu waxa ay soo saartay digniin deg deg ah oo ku wajahan muwaadiniinta Mareykanka ee waddankaasi ku nool.

Warbixin ka soo baxday safaaradda ayaa lagu sheegay in ay suurtagal tahay in dhawaan uu weerar ka dhaco goobo ay ku kulmaan dadka reer galbeedka ah.

Safaaraddu waxa ay hakisay munaasabado aan muhiim ahayn oo maalmaha soo socda ka dhici lahaa hotel ku yaala magaaladaasi Kampala.

Al-Shabaab ayaa horey u weerartay bartilmaameedyo ku yaala dalkaasi Uganda, waxeyna sheegeen in ay jawaab u tahay ciidamada Uganda ee qaybta ka ah ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya kula dagaalamaya.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!