Mareykanka oo Iran uga digay taageerida Xuuthiyiinta * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Mareykanka oo Iran uga digay taageerida Xuuthiyiinta

Mareeg.com: Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka John Kerry ayaa uga digay Iran in ay wax taageero ah u fidiso dagaalyahanada ka dhanka ah dowladda Yemen ee Xuutiyiinta.

Wareysi uu siiyay telefishin, ayuu Kerry waxa uu ku sheegay in mareykanka uu taageero u fidinayo waddan kastaa oo ku yaala bariga dhexe oo dareemaya in Iran ay cabsi gelinayso.

Arbacadii ayaa Iran waxa ay labo Markab u dirtay dekadda magaalada Cadan si ay u taageeraan fallaagada oo loolan ugu jira sidii ay u qabsan lahaayeen maamulka magaaladaasi.

Usbuucyadii la soo dhaafay ayaa Xuutiyiinta oo sida Iraaniyiinta oo kale ah shiico ayaa qabsaday dhul aad u ballaaran.

Mareykanka ayaa taageerayay xulufada uu Sucuudiga hormuudka ka yahay ee cirka ka duqeynayay saldhigyada xuutiyiinta.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!