Mareykanka oo gaadiid miinada iska caabiya siinaya AMISOM

Read Time:51 Second

Mareeg.com: Mareykanka ayaa sheegay inuu ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa ka socda Uganda iyo Burundi siinayoi ilaa 20 gaadiika aan miinadu karin ee loo yaqaano MRAPS.

Gaadiidkaas oo ah nuucii ciidamada Mareykanku ku isticmaaleen dalka Afghanistan ayaa la siin doona ciidamada Uganda iyo Burundi oo ka tirsan AMISOM, islamarkaana muddo dheer ka howlgeliayey Soomaaliya.

Maj. Gen. Wayne Grigsby oo ka tirsan Taliska ciidamada Mareykanka ee Geeska Afrika ayaa sheegay in gaadiidkaas ay siinayaan ciidamada Uganda iyo Burundi si ay si adag ula sii dagaalamaa kooxaha mayalka adag sida uu yiri.

“Waxaan 20 gaadiidka miinada iska caabiya ee loo yaqaano MRAPs siin doonaa Uganda iyo Burundi, si ay ula dagaalmanaan kooxaha mayalka adag” ayuu yiri Maj. Gen. Wayne Grigsby.

“Gaadiidkaas wuxuu amaan wanaagsan siin doonaa ciidamada AMISOM si ay u sameeyaan dhaqdhaqaaq xoog leh” ayauu sidoo kale yiri Maj. Gen. Wayne Grigsby.

Gaadiidkan ayaa dalka Soomaaliya gaari doona dhamaadka bisha Janaayo 2015, iyadoo lagu wareejin doono ciidamada AMISOM ee Uganda iyo Burundi oo ka howlgala dhul ballaaran ka tirsan koonfurta Soomaaliya.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.