Mareykanka oo farriin Deg-deg u diray Madaxda DF iyo M/Goboleedyada

Read Time:49 Second

Qoraal ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho ayaa loogu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad Goboleedyada dalka ka jira inay ka wada hadlaan si deg-deg ahna xal looga gaaro arrimaha doorashooyinka.

Qoraal kooban oo la soo dhigay Barta twitter-ka Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa waxaa lagu sheegay in waqtiga uu yahay mid socda, isla markaana loo baahan yahay in saamileysa siyaasadeed ee ka heshiiyaan doorashada.

“Waqtigu wuu socdaa. Waxaan ka codsaneynaa madaxda DFS iyo dowlad Goboleedyada in ay hada kulmaan, wax sax ahna u qabtaan dadka Soomaaliya, oo ay dhameystiraan doorashada ayaa lagu yiri” Qoraalka Mareykanka.

Beesha Caalamka ayaa Madaxda Dowladda Soomaaliya & Dowlad goboleedyada cadaadis ku saareysa sidii xal looga gaari lahaa muranka doorashada loona qaban lahaa doorasho loo dhan yahay.

Waxana qoraalkan uu ku soo beegmayaa xilli uu Madaxweyne Farmaajo markale ku baaqay shir ka dhaca Muqdisho 4ta bishan,iyadoo uu jiro weli diidmada ay Maamulada Jubbaland iyo Puntland ay diidan yihiin ka soo qeybgalka shirka Muqdisho.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.