Mareykanka oo farriin culus u diray Dowladda & Dowlad Goboleedyada * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Mareykanka oo farriin culus u diray Dowladda & Dowlad Goboleedyada

Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Amb, Donald Yamamoto ayaa ugu baaqay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad Goboleedyada inay khilaafkooda wada-hadal ku dhameeyaan oo heshiiyaan.

Safiirka oo muqdisho kulan kula qaatay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa waxaa ay ka wada hadleen horumarka Somalia ee dhinaca Nabadda,xasiloonida iyo Barwaaqada.

Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Amb, Donald Yamamoto ayaa sheegay inay muhiim tahay wadashaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad goboleedyada taas oo horseedi karta soo nooleynta Soomaaliya oo awood leh iyo doorashada Soomaaliya ee sanadka 2021.

Xubnaha Beesha Caalamka ee daneeya Arrimaha Soomaaliya ayaa dhowr jeer waxaa ay ku cel celiyaan in loo baahan yahay inay heshiiyaan saamileyda Siyaasada Soomaaliya,xilli weli Dowladda Federaalka iyo Dowlad goboleedyada qaar ay is khilaafsan yihiin.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!