Mareykanka Oo Duqeyna Cirka Ku Qaaday Kolonyo Alshabaab Oo Marayey Shabeellaha Hoose * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Mareykanka Oo Duqeyna Cirka Ku Qaaday Kolonyo Alshabaab Oo Marayey Shabeellaha Hoose

Muqdisho – Mareeg.com: Mareykanka ayaa shalay duqeyn ka geystay deegaan ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo duqeyntaas ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka aan cidi wadin ee Drones.

Weerarka ayaa ka dhacay gelinkii dambe ee shalay deegaan u dhaxeeya degmada Baraawe iyo Sablaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Wasaarada Difaaca Mareykanka ayaa sheegtay in weerarka lagu bartilmaameedsaday uu sarkaalka uu ahaa mid aad ugu dhowaa Hogaamiyaha Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane.

Magaca sarkaalka la dilay ayaa lagu sheegay Sahal Isku Dhuuq Alshabaab dhexdooda looga yaqaanay Camuu lagu naaneysi jiray.

Sahal Isku-Dhuuq oo ayaa la sheegay inuu Al-Shabaab u qaabilsanaa soo dhaweynta iyo isku xirka Ajaaniibta, halka warar kale sheegayaan inuu ahaa madaxa caafimaadka.

Diyaarad Drone ah ayaa gantaal ku dhifatay kolonyo uu saarnaa sarkaalkan, oo ka yimid dhanka degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

Wakaaladda wararka ee AP ayaa sheegtay in Sarkaal ka tirsan al-Shabaab uu u xaqiijiyey in weerarka uu ku dhintay Sarkaalka la beegsaday iyo dareewalkiisa.

Ilaa iyo hadda Ururka Al-Shabaab ayaa si rasmi ah uga hadlin weerarkaan oo aan la ogeyn diyaaradda geysatay wadanka laga leeyahay.

Bishii October ee sanadkii hore ay diyaarad Drone ah meel ku dhow degmada Jilib ay ku dishay sarkaal lagu magacaabayay Anta Anta oo qaabilsanaa sameynta waxyaabaha qarxa.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!