Mareykanka oo duqeyn la beegsadey Saldhigyo Al-Shabaab

Read Time:30 Second

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in duqeyn cusub lala bartilmaameedsaday dhisme ay Al-Shabaab lahaayeen oo ku yaalla gudaha magaalada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.
Dawladda Soomaaliya waxay sheegtay in iyadoo iskaashi lala samaynayo dawladda Maraykanka duqayntaasi lagu burburiyey dhismahaasi.

Illaa hadda lama sheegin khasaare nafeed oo ka dhashay weerarkaasi.

Waa duqayntii labaad ee toddobaadlan gudihiis Maraykanku ka gaysto nawaaxiga magaalada Jilib. Maalintii Insiintii ayaa duqayn ka dhacday agagaarka Jilib lagu dilay xubin ka tirsan ururka Al-Shabaab.

Dawladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay inaan laga nasan doonin ilaa Al-Shabaab laga saaro gobolada ay kaga sugan yihiin dalka Soomaaliya.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %