Mareykanka oo duqeyn la beegsaday Saldhigyo ay leeyihiin Al-Shabaab

Read Time:48 Second

Qoraalka Africom ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Saaxiibadooda Soomaaliya ay duqeyn  dhinaca cirka ah ay la beegsadeen Xubno ka tirsan  Al-Shabaab oo ku sugnaa gobolka Shabeellaha Hoose Shalay.

Weerarkaas ayaa Mareykanka waxa uu sheegay inay ku dileen 3 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab ,isla markaana sidoo kale ay baaritaan ku sameyn doonaan hadii dad rayid ah ay wax ku noqdeen duqeyntaas.

Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay inay sii wadi doonaan taageerada ay siiyaan Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ilaa iyo inta laga wiiqayo awooda Al-Shabaab.

Warkaan kasoo baxay Taliska Ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika  ayaa noqonaya howlgalkii ugu horreeyay ee Sanadkaan ee Mareykanku ka fuliyo Soomaaliya xilli uu kordhiyay duqeymaha ka dhanka ah Al-Shabaab sanadkii lasoo dhaafay.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %