Mareykanka oo duqeyn ku diley Janeraal katirsan ciidanka Iiraan

Read Time:57 Second

Madaxii Ciidamada xulka ah ee Quds Force ee Iran, General Qassem Soleimani, ayaa aroortii hore ee subaxnimadan jimcaha ah lagu dilay duqeyn xagga cirka ah oo ka dhacday garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Magaalada Baqdaad, sida ay sheegeen Saraakiisha Ciraaq.

Abu Mahdi al-Muhandis, oo ahaa taliye ku-xigeenkii Maleeshiyaadka Ciraaq ee ay taageerayaan Iran ee Ciidamada Dhaqdhaqaaqa Caanka ee Ciraaq, ayaa sidoo kale la dilay.

Gantaal ayaa lagu soo waramayaa inuu kololyadooda kula dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha. Saraakiisha ayaa sheegay in tirada guud ee khasaaraha aysan caddeyn, laakiin la rumeysan yahay in ugu yaraan toddobo qof ay dhimatay.

Waxaa ka mid ah qof lagu tilmaamay inuu yahay madaxa borotokoolka garoonka, kaasoo hal sarkaal uu sheegay inuu halkaas u joogay inuu soo qaado laba qof oo ahaa marti “heer-sare” ah.

Cidina ma sheegan mas’uuliyadda weerarka mana jirto faahfaahin kale oo xilligan la helayo.

Qudus waa unug ka mid ah Ilaalada Kacaanka Iran. Shaqadeeda ugu weynina waa inay ka fuliso hawlgal militari meel ka baxsan dalka Iran.

Ciidamada Dhaqdhaqaaqa Caanka ah ee Ciraaq waxay xiriir dhow la leeyihiin Iran waxayna ka dambeeyeen weerarkii Talaadadii lagu qaaday safaaradda Mareykanka ee Baqdaad.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %