Mareykanka oo duqeyn ku bilaabay saldhigayada IS ee gudaha Suuriya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Mareykanka oo duqeyn ku bilaabay saldhigayada IS ee gudaha Suuriya

Mareykanka iyo xulafadiisa ayaa markii ugu horraysay bilaabay in ay cirka ka duqeeyaan dagaalyahanada Dowladda Islaamiga ee ku sugan gudaha dalka Suuriya, sidaasi waxa sheegay Pentangon-ka

Afhayeen u hadlay Pentagon-ka oo la yiraahdo Adm John Kirby, ayaa waxa uu sheegay in weerarkaasi loo adeegsaday diyaaradaha dagaalka, kuwa wax duqeeya iyo madaafiicda loo yaqaano Tomahawk.

Duqeynta waxa ay ahayd mid la filayey kaddib markii madaxweynaha Mareykanka Barack Obama, uu laba todobaad ka hor ballanqaaday in uu burburin doono, hoosna u dhigi doono khatarta kooxdan oo dhul ballaaran kala wareegtay Suuriya iyo Ciraaq.

BBC-da ayaa waxa ay ogaatay in dowladaha Carabta ay ka mid yihiin wadammada ka qeyb qaadanaya duqeyntan laga geysanayo Suuriya, balse weli ma kala cada wadammada ay yihiin iyo doorkooda waxa uu yahay.

Mareykanka ayaa Ciraaq gudaheeda waxa uu kooxdan u geystay ilaa 190 duqeyn tan iyo bishii Agoosto.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!