Mareykanka oo duqeyn diyaardeed ku qaaday goob Alshabaab ka joogeen gobolka Jubada Dhexe * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Mareykanka oo duqeyn diyaardeed ku qaaday goob Alshabaab ka joogeen gobolka Jubada Dhexe

Mareeg.com: Mareykanka ayaa xalay duqeyn xagga cirka ah ku qaaday goob la sheegay inuu ku sugnaa sarkaal sare oo ka tirsan Alshabaab, kaasoo ilaa hadda aan magaciisa la shaacin.

Sida ay ku warramayaan dadka deegaanka Saakow ee gobolka Jubada Dhexe, xalay saqdii dhexe ayaa la maqlay qaraxyo waa weyn, oo ahaa ahaa duqeymo diyaaradeed, iyadoo duqeynta ay ka dhacday Tuulo lagu magacaabo Jawaari oo ku dhow Saakow..

Wazaaradda difaaca ee dowladda Mareykanka aya war qoraal ah oo ay soo saartay waxa ay ku sheegtay in ay howlgal military ka fuliyeen xalay meel u dhow deegaanka Saakow oo ka tirsan gobolka Jubadda Dhexe ismarkaana uu ahaa howlgalkaasi mid lagu bartilmaameedsanayay Sarkaal ka tirsan Alshabaab.

Afhayeen u hadlay wsaaaradda difaaca Mareyknka ayaa sheegay in ay wadaan baaritaano iyo qiimeyn ku saabsan wareerkii dhinaca cirka ahaa oo ay ka fuliyeen deegaankan ka tirsan gobolka Jubada Dhexe.

Warka qoraalka ah ee ka soo baxay Pentagon ka ayaa lagu sheegay in natiijada weerarka dib laga soo gudbin doono.

Mareykanka ayaa horay Soomaaliya uga fuliyey weeraro xaaga cirka ah, kuwaasoo qaarkood fashilmeen, halka qaar kalana ay ku dileen dadkii ay raadinayeen sida hogaamiyihii Alshabaab Abuu Zubeyr.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More