Mareykanka oo Digniin culus u diray Madaxda Dowladda Somalia iyo Musharaxiinta * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Mareykanka oo Digniin culus u diray Madaxda Dowladda Somalia iyo Musharaxiinta

Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya ayaa ugu baaqday siyaasiyiinta Soomaalida inay wadajir uga heshiiyaan doorashada soo socota, ee weli uu muranka ka taagan yahay.

Safaaradda ayaa uga digtay siyaasiyiinta Soomaalida hannaan doorashooyin oo isgarab socda, ama doorashooyin hal dhinac ah. Safaaraddu waxay sidoo kale ka digtay gacan ka hadal.

Safaaradda ayaa sheegtay inay kulamo kala duwan la yeelatay qaar ka mid ah hoggaamiyayaasha siyaasadda oo ay ka mid yihiin Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Khayre, Madaxweynayaahsii hore ee Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shekeh Aadan iyo siyaasiyiin kale.

Dawladda federaalka, maamul goboleedyada qaarkood iyo musharrixiinta mucaaradka ayaa isku khilaafsan guddiyada doorashada federaalka, kan Somaliland iyo weliba sida doorashadu uga dhacayso gobolka Gedo.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More