Mareykanka oo digniin amaan kasoo saaray Jabuuti "Kuwii abaabulay qaraxyadii hore ayaa shaqeynaya" * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Mareykanka oo digniin amaan kasoo saaray Jabuuti “Kuwii abaabulay qaraxyadii hore ayaa shaqeynaya”

Mareeg.com: Wasaaradda Arrimaha Debada Mareykanka ayaa soo saartay digniin cusub oo ay jeedisay muwaadiniinta dalkeeda ee u safra dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Mareykanka ayaa sheegay iney weli soo gaarayaan hanjabaado argagixiso oo ku wajahan danaha reer Galbeedka ee Mareykanku ka mid yahay.

Wasaaradda arrimaha debadda Mareykanka ayaa sheegtay in weerarada laga cabsi qabo noqon karaan Ismiidaamin, qaraxyo gaadiid, afduub, weeraro lala beegsado duulimaadyada rayidka ah iyo weeraro lagu qaado maraakiibta ku sugan dekedaha ama xeebaha ku dhow.

Sidoo kale, wasaaradda ayaa sheegtay iney suuragal tahay in la beegsado xarrumaha dowladda Jabuuti, xarumaha milateriga, safaaradaha dalalka shishiiyey, baararka, hoteellada iyo goobaha dadku ku caweeyaan.

Mareykanka ayaa sheegaya in inkastoo dowladda Jabuuti dedaal badan ku bixisay sidii ay usoo qaban laheyd dad ka mas’uul ahaa weeraro horay u dhacay, haddana dadkaas ay banaanka joogaan oo ay ka howlgelayaan gobolka.

Wasaaradda ayaa ugu baaqday muwaadiniinta Mareykanka ah ee jooga Jabuuti inay xakameeyaan dhaq-dhaqaaqooda, ayna taxadaraan.

Bishii Maya ee sanadkan 2014 labo qarax oo ka dhacay baar ku yaalla Jabuuti waxaa ku dhintay hal qof oo ahaa shaqaale Turki ah iyo nin iyo haweeney fuliyey qaraxyadaas oo Soomaali ahaa, waxaana ku dhaawacmay ku dhawaad 20 reer galbeed ah.

Qaraxyadaas waxaa sheegtay ururka Alshabaab ee dalka Soomaaliya, waxaana dalka Mareykanku digiin xaga amaanka ah dalka Jabuuti kasoo saaray bishii June ee sanadkan 2014.

Mareeg Media

 

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!