Mareykanka oo Digniin adeg u diray Muwaadiniintiisa ku sugan Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Mareykanka oo Digniin adeg u diray Muwaadiniintiisa ku sugan Muqdisho

Muwaadiniinta Maraykanka ah ee ku sugan  Muqdisho ayaa waxaa loo ga digay in ay ka ag-dhawadaan goobaha ay musharixiinta u qorsheeyeen ay ka dhacaan bannaanbaxyo nabadeed oo looga soo horjeedo Dowladda Federaalka.

Qoraal kasoo baxay Safaaradda Mareykan  ee Soomaaliya ayaa digiin culus loogu jeediyay Muwaadiniinta u dhashay dalkaasi, waxaana looga digay in ka ag-dhawaadaan Bannaanbaxa la filayo in u ka dhaco muqdisho.

Safaaradda Dalka Mareykanka ayaa sidoo kale  muwaadiniinteeda u jeedisay talooyin ay ka mid yihiin inay ka fogaadaan goobtaasi lagu bannaanbixi doono, waxaana laga cabsi qabaa rabshado in ay ka dhashaan bannaanbaxa sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay Safaaradda Mareykanka.

Midowga Musharixiinta ayaa horay u sheegey in Bannaanbaxa ay ku dhawaaqeen uu dhici doono, waxaana Dowladda ay soo saartay amaro culus oo ku aaddan isku imaanshaha, kuwaasi oo laga cabsi qabo in ay saameyn ku yeeshaan Bannaanbaxa loo madalsan yahay.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.