Mareykanka oo cambaareeyey dilkii xildhibaan Xeyd

Nairobi – Mareeg.com: Dowladda Mareykanka ayaa cambaareysay dil saakay magaalada Muqdisho loogu geystay xildhibaan Maxamed Maxamuud Xeyd oo ka mid ahaa mudaneyaasha baarlamaanka Soomaaliya.

War qoraal ah oo ka soo baxay qeybta Soomaalida ee safaaradda Mareykanka ee magaalada Nairobi ayaa tacsi loogu diray qoyska xildhibaanka la dilay.

Mareykanku waxey weerarka laguu dilay xildhibaan Xeyd ku tilmaameen mid tusaale u ah dhibaatada ay Al-Shabaab ku hayso shacabka Soomaaliyeed, sida warka loo dhigay.

Dowladda Mareykanka ayaa caddeysay inay garab-taagan tahay dadka iyo ciidamada qaranka Soomaaliya iyo sidoo kale howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), iyadoo qoraalka lagu xusay inuu Mareykanka si dhow ula shaqeyn doono hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyo taliyeyaasha amniga ee Soomaaliya si loo sii wado dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Xildhibaan iyo mid ka mid ah ilaaladiisa ayaa saaka lagu dilay degmada Xamarwyne ee magaalada Muqdiso, waxaana la dhaawacay xildhibaan kale iyo mid ka mid ah shaqaalaha baarlamaanka.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245