Mareykanka oo askar kala baxaya Yemen kadib markii loo hanjabay

Read Time:54 Second

Mareeg.com: Maraykanka ayaa la sheegay inuu milaterigiisa kala baxayo saldhig ku yaalla Yemen, sababo la xiriira nabadgelyo darro aaggaas ku sii korortay.

Ciidanka oo ay ku jiraan askarta gaarka ah ee kumaandoska ayaa la sheegay in laga saari doono saldhigga Al-canad ee ku yaalla koofurta Yemen.

Dagaalyahannada Al Qaacida ayaa weeraray magaalo halkaas u dhow Jimcihii, ka hor intii aysan ka saarin xoogag maxalli ah.

Waxaa la rumaysan yahay in saldhigga Al-canad loo isticmaali lahaa in lagu tababaro askarta xukuumadda Yemen, dagaalka ay kaga hor jeedaan Al-Qaacida ee koofurta dalka.

Milateriga Maraykanka weli wax faallo ah kama bixin wararka sheegaya inay ciidankooda xeradaas kala baxayaan.

Dhanka wasaaradda difaaca Mareykanaka ayaa xaqiijisay in askrta saldhigaas laga raray ay hanjabaad uga timid Khalaafada Islaamiga, kuwaasoo 130 qof oo Shiico jimcihii ku dilay labo masjid oo ku yaallada magaalada caasimadda ah ee Sanca.

Magacyada, sawirada iyo cinwaanada dadkan ayaa la soo dhigay bar internet oo xiriir la leh Daacish, waxaana loogu baaqayay taageerayaasha Daacish ee ku sugan mareykanka inay dilaan dadkaas oo isugu jira ragg iyo dumar.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.