Mareykanka oo adkeeyey amaanka shaqaalaha ka jooga daafaha caalamka (Sabab?)

Mareeg.com: Dowladda mareykanka ayaa sheegaysa in ay adkeysay ammaanka shaqaalaheeda iyo xarumaheeda ku yaala daafaha caalamka, ka hor inta aanay soo bixin warbixinta aqalka sanate-ka ee la filayo in warbixintaasi lagu dhaliilo qaababka ay CID-da baaritaanada ugu sameyso dadka argagixisada looga shakisan yahay.

Afhayeen u hadlay aqalka cad Josh Earnest ayaa sheegay in warbixintaasi oo la soo saari doono maanta oo talaada ah la soo qorsheynayay muddo bilo ah isla markaana waxyaabaha ku cad warbixintani ay dhalin karaan caro ka dhan ah mareykanka.

Afhayeenka ayaa sheegay inay jiraan astaamo muujinayo in shaacinta warbixintani ay halis u horseedi karto xarumaha iyo shakhsiyaadka mareykanka ee daafaha caalamka.

Waxuu afhayeenka intaasi raaciyay in maamulka madaxweyne Obama uu qaaday tallaabooyin lagu xaqiijinayo in ammaanka safaaradaha iyo goobaha kale ee mareykanka ee ku yaala daafaha caalamka la adkeeyay.

Madaxweynaha ayaa mabda’a ahaan rumeysan in ay muhiim tahay in la shaaciyo warbixintani si dadka ku nool daafaha caalamka iyo dadka ku nool mareykanka ay fahmaan dhab ahaantii waxa dhacay.

‘Dabcan waxaa jiraya waxyaaba xaddidaya waxa aan ka hadli karno marka loo eego qaabka sirta ah ee barnaamijkani’. Sidaasi waxaa yiri afhayeenka dowlada Maraykanka u hadlay

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245