Mareykanka oo 1000 gentaal ugu deeqaya milateriga Ciraaq * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Mareykanka oo 1000 gentaal ugu deeqaya milateriga Ciraaq

Mareeg.com: Mareykanka ayaa sheegay inuu ciidamada dalka Ciraaq siinayo 1000 gentaal oo ah nuuca lagula dagaallamo taangiyada, si ciidamadaasi usoo ceshadaan magaalada Ramadi oo todobaadkii hore gacanta u gashay Khalaafada Islaamiga ah (Daacish) oo adegsaneysa gaadiid lasoo miineyey oo qaraxaya iyo weerar toos ah.

Col. Pat Ryder, oo ah ahayeen u hadlay milaeriga Mareykanka ayaa sheegay in gentaalahaasi ciidamada Ciraaq ka gacansiin doonaan iney uga hortagaan gaadiidka qaraxyada lagu soo raray ee sida xowliga ah kusoo gala aagagga ciidamada Ciqaara ee Ramadi.

Sarkaalkan ayaa qabsashada Daacish ee Ramadi ku tilmaamay mid dhabarjab ku ah dowladda Ciraaq iyo dedaalka looga hortegaya Daacish.

Wasaaradda Difaaca Ciraaq ayaa Isniintii sheegtay iney ku kalsoontahay in ciidamada Ciraaq oo taageero duqeyn xagga cirka ah ka helaya Mareykanka iyo xulafadiisa ay aakhirka Daacish kasoo ceshan doonaan magaalada Ramadi oo ah xarrunta gobolka Al-anbar, dhanka galbeedna 105 KM uga beena magaalada caasimadda ah ee Baqdaad.

Dhowr maalmood ka hor ayaa Daacish oo adeegsaneysa gaadiid miineysan qarxaya waxey weerar ku qaadeen magaalada Ramadi, waxeyna halkaas ka saareen ciidamada Ciraaq.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!