Mareykanka: Nin Somali ah oo u hanjabay FPI oo la xiray

Hay’adaha Dembibaadhista Maraykanka ayaa xirtay wiil Soomaali ah oo ay ku eedeeyeen inuu u hanjabay saraakiil ka tirsan hay’adda FBI iyo weliba Xafiiska Xeer Ilaalinta ee gobolka Minnesota.

War qoraal ah oo kasoo baxay hay’adaha dambi badhista Maraykanka ee magaalada Minneapolis ayaa lagu sheegay in Maxamed Abuukar Saciid ay Hay’adda FBI soo xirtay shaley galinkii dambe.

Ninkaan Soomaaliga ayaa loo heystaa inuu boggiisa xiriirka bulshada ee uu ku leeyahay Internet-ka uu ku soo qorey hadalo uu ugu hanjabayo saraakiil ka tirsan FBI iyo Xafiiska Xeer ilaaliyaha gobolka Minnesota.

Ninkaan la xiray ayaa sidoo kale lagu eedeeyeey inuu Internetka soo dhigay sawirka qof uu sheegay inuu dambeeyey xirirtaanka 6-da dhallinyarada Soomaalid ah.

Maxamed Abuukar ayaa la sheegay inuu bartiisa Internet-ka ku qoray hanjabaad uu u jeediyey qofka uu sawirkiisa soo dhigay, wuxuuna sidoo kale ku hanjabay in dhibaato xoog leh dhici doonto haddii aan lasii deyn dhalinyarada la xiray.

Arrintan ayaa ka dambaysay kadib markii dhowaan la xiray 6 dhalinyaro Somali Mareykanka ah oo la sheegay inay qaarkood isaga saxiib la ahaayeen.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245