Mareykanka, Midowga Afrika Iyo Midowga Yurub Oo Soo Dhaweeyey Doorashada Gaas * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Mareykanka, Midowga Afrika Iyo Midowga Yurub Oo Soo Dhaweeyey Doorashada Gaas

Garowe, Mareeg.com: Ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya James P. McAnulty ayaa soo dhaweeyay doorashada madaxtinimada Puntland oo uu shalay ku guuleystay Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska ergeyga ayaa lagu sheegay in McAnulty uu wadashaqeyn hoose la yeelan doono maamulka cusub ee Puntland.

Ergayga ayaa sheegay in Mareykanku uu ku ammaanayo shacabka Puntland doorashada dhaxal galka ah ee u dhacday sida nabdoon ee dimuqoraadiyadda ah.

James McAnulty ayaa xusay in madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole uu wax badan ka qabtay arrimaha ammaanka, burcad badeedda, iyo argagixisada wuxuuna ku ammaanay doorashada uu qabtay xilligeeda iyo kaalintii uu ka qaatay in Soomaaliya ay ka baxdo ku meel gaarnimada.

Dhanka kale, Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mahamat Saleh Annadif ayaa amaaney doorashadii sida daahfurnaanta ahayd uga dhacdey magalada Garowe maalintii shalay.

Annadif oo saxaafadda kula hadley magaalada Muqdisho ayaa yiri: “Puntland waxey agaasintay doorasho xor ah oo si cad u dhacday, waan calaama muujineysa rajo”.

Ergayga Midowga Afrika ayaa sheegey in Soomaaliya guud ahaanteedna ay sidaas oo kale u rajeynayaan in sanadka 2016 doorashooyin xalaal ah ka dhacaan.

Ambassador Annadif ayaa sheegey in sabnadkan 2014 uu yahay sanadkii rajada, waxaan haysanaa Raysalwasaare cusub, waxaana sugeynaa xukuumadiisi in uu dhiso, AMISOM waxay diyaar u tahay in ay amarkiisa u hoggaansanto ayuu yiri.

Ergayga gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Michele Cervone d’Urso ayaa u hambalyeeyay madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska ergayga ayaa lagu sheegay inay tahay arrin wanaagsan oo horumar ah in uu goob joog ka noqdo dimuqoraadiyadda oo ka hirgaleysa Puntland.

Wuxuu ku ammaanay golaha wakiillada cusub, odayaasha dhaqanka, culumaa’uddiinka, iyo qeybaha kale ee bulshada Puntland hannaanka hufan ee ay uga shaqeeyeen hirgalinta doorashada Puntland.

Michele Cervone d’Urso ayaa sidoo kale ku ammaanay madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole in uu qeyb muhiim ah ka ahaa inay Soomaaliya ka gudubto hannakii ku meel gaarka ahaa.

Waxa uu sheegay in Faroole lagu xasuusan doono waxqabadkii muuqday ee uu qabtay muddadii shanta sano ahayd ee uu xilka hayay.
Michele Cervone d’Urso ayaa xusay in Midowga Yurub uu la shaqeyn doono madaxweynaha cusub ee Puntland.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!