Cali Khaliif oo u ambabaxay Itoobiya eedeyna ujeediyey Puntland

Mareeg.com: Madaxweynaha maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galleyr ayaa maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha magaalada Buuhoodle ee gobolka Togdheer, isagoo ku sii jeeda magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya oo uu uga qeybgalayo shir.

Cali Khaliif Galleyr oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu Addis Ababa ka dhacayo shir looga hadlayo arrimaha federaalka ee Soomaaliya, kaas oo uu xusay inay sidoo kale ka qeybgali doonaan mas’uuliyiin ka socota dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo wakiillo ka socda maamul-goboleedyada ka jira dalka.

Dhinaca kale Madaxweynaha maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galeyr ayaa maamulka Puntland ku eedeeyay inuu faragelin ku hayo xildhibaannada baarlamaanka federaalka ah ee ka soo jeeda deegaannada maamulka Khaatumo.

Wuxuu ku hanjabay inay tallaabo qaadi doonaan haddii aanu maamulka Puntland joojin faragelinta uu ku eedeeyay.

Waxaa jira khilaaf ka taagan cidda soo xuleysa labo boos oo ay baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ku lahaayeen beesha Galeyr, kuwaasoo mid isga yahay, qof labaadna aheyd Fanaanad Saado Cali Warsame oo lagu dilay Muqdisho.

Mareeg Media