Gudoomiyaha maxkamada sare oo ka horyimid shaqo ka joojin madaxweynuhu ku sameeyey garsoorayaal * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Gudoomiyaha maxkamada sare oo ka horyimid shaqo ka joojin madaxweynuhu ku sameeyey garsoorayaal

Mareeg.com: Gudoomiyaha maxkamadda sare Avv. Ceydiid C/lalahi Ilka-xanaf ayaa diiday wareegto uu shalay soo saaray madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, taasoo shaqada looga joojiyey 21 garsoore, kadib markii uu arrintaas soo jeediyey Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir.

Ilka-xanaf oo la hadlay VOA ayaa sheegay in Xeer Ilaaliyuhu uusan awood u laheyn inuu madaxweynaha u jeediyo talada shaqada looga joojinayo garsoorayaasha, wuxuuna xusay in Golaha Adeega Garsoorka ee isagu madaxda u yahay ay leeyihiin soo jeedinta magacaabista iyo shaqo ka joojinta garsoorayaasha.

Wuxuu sidoo kale sheegay Ilka-xanaf in labo jeer ay magacayada 21-ka garsoore ee shaqada laga joojiyey ay gudbiyeen madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxmauud, si uu wargeeto ugu soo magacaabo, balse aysan taasi ka imaanin madaxweynaha.

“Labo jeer oo markii hore aheyd bishii 3-aad ee sanadkii 2013 ayaan madaxweynaha u gudbinay garsoorayaashaas, waana xusuusinay, jawaab ayaan ka sugeynay, marka ninka sheeganaya Xeer Ilaaliyaha awood uma laha inuu madaxweynaha u jeedo talo shaqada looga joojinayo garsoorayaasha, arrintaas waxaa leh Golaha Adeega Garsoorka” ayauu yiri Avv. Ilka Xanaf.

Ilka-xanaf ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh u dabacsanyahay dhanka Xeer Ilaaliyaha oo sida uu sheegay warqadda talada u gudbiyey 25-ka October 2014, islamarkaana madaxweyne Xasan shaqo ka joojinta garsoorayaasha soo saaray 26-ka Ocotober 2014.

Wuxuu Ilka-xanaf ku adkeystay in Xeerka Nidaamka garsoorku fasaxyo in garsoorayaashu sii shaqeyn karaan inta madaxweynuhu wareegto uga sii magacaabayo haddiiba Golaha Adeega Garsoorku soo jeediyo, isagoo dhanka kalana xusay iney markale madaxweynaha u jeedinayaan baaqa ah inuu garsoorayaashaas wareegto kusoo saaro.

Khilaafka u dhaxeeya gudoomiyaha Maxkamadda Sare Ceydiid C/laahi Ilka-xanaf iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir ayaa cirka isku sii shareeraya, iyagoo marar badan warbaahinta isu mariyey eedeymo.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!