
Mareeg.com-Xildhibaano badan ayaa kusii qulqulayey tan iyo saaka Hoyga uu Magaalada Muqdisho ka degan yahay Gudoomiyaha Baarlamaaka Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari, waxaana lagu wadaa inuu hadlo. Waxa uu ka hadlayaa Mooshinka ay ka keeneen qaar k mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka inuu yiraahdo sgarci ma ahan. Hadii uu sidaas yeeli waayo oo hadalkiisa ay maqli waayaan bulshada Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka, Beri subax oo Sabti ah waxaa kulanka Baarlamaanka shir gudoomin doona Mdane Cabdiweli Sheikh Ibaarhim Muudeey oo ah Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka.
Hadii uu hadlo Gudoomiyaha Baarlamaaka oo uu sharci daro ku tilmamo Mooshinka laga keenay, waxaa hubaal in hadalkaas aan laga dhegeysan doonin Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Waxaana sii xoogeysan doona khilaafka hadaba soo if baxay ee u dhexeysa Ra’iisul Wasaaraha oo wata Wasiiradiisa Xildhibaanada ah iyo Gudoomiyaha Baarlmaaka oo ay hadda garbo u yihiin Xildhibaanaddii Dhiigga Cusub.
Maxaa sababay arintan?
Ra’iisul Wasaare kheyre ma ahan nin siyaasada Soomaaliya aan waxba kala socon, waa siyaasi ruugcadaa ah oo wax badan ka yaqaana siyaasadda foosha xun ee ay Soomaalidu ku caan baxday, waa nin dhibaato kasta oo soo wajahda maareyn kara waxaana tusaale fiican u ah weerarkii lagu qaday guriga Siyaasiga Cabdiraxman Cabdishakuur iyo xarigiisii, Xilka qaadistii Gudoomiyihii Gobolka Banadir Mdane Taabit iyo Kalsooni kala noqoshdii ka soo yeertay Xeer Ilaliyaha Qaranka ee lagu eedeeyey laba Mudane oo ka tirsan Baarlamanka. intaas iyo kuwo kale waxay waqtiga u sii dheereeyeen Ra’iisul Wasare kheyr.
, Waxa uu yaqaanaa sida uu uga dabaasho caqabad walba oo dhinaca siyaasada uga soo wajahanta, marka maanta yaan lala yaabin sababtoo ah waxaa uu muraayadda Haatka ee Tuurta leh ama tan golxada leh ka arkay Gudoomiyaha Baarlamaaka Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari oo wax badan dhinac iska dhigay Mooshin lagu wadey in laga keeno Ra’iisul Waraare Kheyre, waxana hadda Kheyre u soo baxday in aanu Jawaari diidi doonin haddii Mooshin laga keeno Mr. Kheyre. (nin weyni wedkiisa waa yqanaa). Hadda buuqa taaganna waa hubaal in uu waqtiga u sii kordhineyo joogitanka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.
Maxaa dhici kara?
Haddii aanu caqligu shaqeyn oo aaney Madaxweynha ka iman faragelin maslaxad wadata, waxaa suurtagal ah oo dhici karta in Beri la isu awood sheegto oo Baarlamaaka gudihiisa lagu arko ciidamo doonaya inuu shir Gudoomiyo kulanka xubnaha Baarlamaaka Gudoomiye ku xigeenka koowad Cabdiweli Sheikh Ibaarhim Muudeey taasuna waxay horseedi doontaa gacan ka hadal sidii horeba u dhacday laba jeer, mar la joogey Kenya iyo mar la joogey Xamar, waxayna noqoneysaa mid aan looga fadhin xubnaha Golaha Shacabka oo dib u dhac ku keeni karta Soomalida daalan.
Abdinasir Hersi Iidle
mail: naasirx1@gmail.com