Mandheera: Dabley gubtay gaari qaad labo kalana la tagtay & Alshabaab oo sheegtay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Mandheera: Dabley gubtay gaari qaad labo kalana la tagtay & Alshabaab oo sheegtay

Mandheera – Mareeg.com: Dabley hubeysan oo loo maleynayo iney ka tirsan yihiin Alshabaab ayaa maanta weerar ku qaaday 3 gaari oo qaad ka qaaday magaalada Nairobi, islamarkaanka kusii jeeday degmada Mandheera.

Weerarka ayaa ka dhacay meel waxyar ka baxsan degmada Mandheera, waxaana sida wararku sheegayaan la gubay mid ka mid ah 3-daas gaari, halka 2 kalana ay qaateen dableydii weerarka qaadday.

Booliska Kenya oo ka warhelay weerarka ayaa dabagalay kooxda weerarka ku qaadday gaadiidka qaadka, waxaana la sheegay iney halkaas dhaawacyo kala laabteen, sida uu warbaahinta u sheegay goobjooge ku sugan degmada Mandheera oo magaciisa qariyey.

Booliska Kenya ayaan weli wax war ah ka bixin weerarka oo saaka dhacay, waxaase weerarkaas sheegtay Alshabaab.

Alshabaab ayaa qaar ka mid ah baraha ay leeyihiin ku qoray in gaadiidka ay weerareen ay wateen ciidamada Kenya, kana yimaadeen Ceel-waaq, halka dadka deegaanka Mandheere sheegayaan in gaadiidkaas ay leeyihiin dad Somali-Kenyan, islamarkaana ay qaad sideen.

“Ciidanka Mujaahidiinta ayaa duleedka Mandheera ka fuliyay howlgal guuleystay, 4 gaari oo dhanka Ceel-Waaq kasoo dhaqaaqday ayay mujaahidiintu wadada ugaleen kadibna 2 kamid ah gaadiidka mujaahidiinta ayaa qaniimeystay gaari kalane way gubeen” ayuu yiri mas’uul katirsan Alshabaab oo la hadlay bar ururkaas taageerta.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!