Mandheera: Debadbaxayaal dalbaday inuu is casilo gudoomiye Alex Ole * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Mandheera: Debadbaxayaal dalbaday inuu is casilo gudoomiye Alex Ole

Mareeg.com: Mudaaharaad ballaaran oo looga soo horjeedo amaan xumida magaalada Mandera, islamarkaana lagu dhaleeceeyey saraakiisha amaanka deegaankas ayaa shalay ka dhacay halkaas.

Bannaanbaxa ayaa waxaa ka qeybgalay Masuuliyiin ka tirsan dowlada iyo boqolaal dadweyne ah.

Mudaharaadka oo ahaa mid nabadeed ayaa wuxuu socday mudo lix saacadood ah, waxaana horkacaayay dadkii isku-soo-baxay qaar kamid ah Madaxda siyaasadda, Culumo’awdiin iyo hogaamiyaasha Bulshada. Kuwaasoo socod ku maray wadooyinka dhex mara magaaladaas.

Sidoo kale dibadbaxaayaash ayaa muddo labo maalmood ah u qabtay in guddoomiyaha gobolka, Alex Ole Nkoyo lagu bedelo, iyagoo guddoomiyaha ku eedeeyay inuu ku guul dareystay wax ka qabashada amni xumida ka jirto ismaamulkaas. waxayna ku hanjabeen iney sii wadi doonaan mudaharaadyada hadii aanan la meel marinin dalabkooda.

Dadka deegaanka oo mudaharaadkaas ay ku wehliyeen 20 Xubnood oo ka mid ah Golaha deegaanka, ayaa waxey u gudbiyeen cabashadooda Job Boronjo  oo ah Taliyaha Ciidamada booliiska Gobolka;  oo ay kula kulmeen Xafiiska Guddoomiyaha gobolka oo markii dambe ay mudaharaadayaashu hor dhoobteen.

Isku soo baxaan ayaa ku soo beegmaayo iyadoo todobaadkii hore siyaabo kala duwan dad loogu dilay deegaanadaas, isla markaasna 13-kii bishan uu guddoomiyaha Man-dheera Ali Ibrahim Roba uu ka bad-baaday weerar lala beegsaday xilli uu maraayay inta u dhaxeyo Magaalooyinka Fino iyo Lafeey.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!