Mandera: Dabley afduubtay shaqaale kadibna baaratay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Mandera: Dabley afduubtay shaqaale kadibna baaratay

Mareeg.com: Koox hubeysan ayaa maanta barqadii duleedkaMandera ka afduubtay, kadibna baartayilaa 25-qof oo shaqaale Kenyaan ah, kuwaasoo kusii jeeday Mandera oo ka tirsan Waqooyi-bari ee dalka Kenya.

Guddoomiyaha degmada Mandera Olex Ole Nkoyo ayaa sheegay in saacado kaddib ay kooxahan hubeysan dadka soo daayeen, inkastoo ay ka qaateen buu yiri wixii ay wateen oo dhan sida; taleefoonnada gacanta, kaarar aqoonsi iyo lacago aanu cadadkeeda sheegin.

“Kooxaha hubeysan waxay dadkan ka afduubeen duhurnimadii maanta inta u dhexeysa degmada Mandera iyo Arabia, tiradoodu waxay ahayd 25-qof, kuwaasoo ahaa shaqaale ah kuna soo jeeday degmada Mandera iyagoo ka yimid deegaanka Arabia, waxayna la adeen kooxaha afduubka geystay dhinaca soohdinta, balse saaacado kaddib ay sii daayeen kaddib markii ay baarteen,” ayuu hadalkiisa ku daray guddoomiyaha Mandera.

Falka baarashada dadka la socda gaadiidka ayaa sida muuqata kusoo kordhay dalka Kenya, iyadoo arrintaas aheyd mid laga yaqaanay Soomaaliya.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!