Mandera: Bas ay la socdeen 49 ruux oo daad la tegay

Read Time:42 Second

Mareeg.com: Gaari Bas ah oo ay la socdeen 49 ruux Kenyan ah ayaa waxaa daadad kula taggeen duleedka Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Gaariga oo ka baxay Mandheera, kuna sii jeeday Nairobi, ayaa waxay daadadka kula taggeen deegaanka Raamo, oo dhaca Togga Gaduudiye, oo ku darsama Webiga Daawo.

Saacadihii ugu dambeeyey ayaa roobab mahiigan ah ka da’een Gobolka Waqooyi Bari Kenya, waxeyna hakad geliyen dhaq dhaqaaqii gaadiidka.

Gudoomiyaha Magaalada Mandheera Ali Ibrahim Roba, ayaa warbaahinta u sheegay in la soo badbaadiyay 40 ruux.

Weriyaal ku sugan halka baskaas daadku qaaday ayaa soo sheegaya iney dhinteen 3 ka mid ah dadkii baskaas la socday, 6 kalana la lay’ayahay.

Wuxuu Ali Roba sheegay in dadkii kale ee la socday baskaas aan la garanayn meel ay cirib iyo jaan dhigeen, waxaana weli socda gurmad dadkaas lagu raadinayo.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.