Mamulka Gobolka Banaadir Oo $100,000 Dollar Gaarsiiyey Jowhar

Read Time:43 Second

Muqdisho, Mareeg.com: Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta deeq dhan $100,000 dollar gaarsiiyay magaalada Jowhar ee xarrunta gobolka Shabeellaha Dhex si wax loogu qabto dadkii ku waxyeelloobay fataahadda wabiga Shabeelle oo jirtay muddo 4 bilood ah.

Lacagta la gaarsiiyey Shabeellaha Dhexe waxaa iska soo ururiyay dadka ku nool degmooyinka gobolka Banaadir.

Xubno ka socda gobolka Banaadir oo uu ka mid yahay guddoomiyaha degmada Waabari, Axmed Mayre Makaraan ayaa deeqdaas gaarsiiyay magaalada Jowhar.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa 19-kii bishoo hore ee December magaalada Garowe gaarsiiyey lacag kaalmo ah oo gaareysay $200,000 dollar, taasoo lagu wareejiyey guddiga gurmadka dadkii ku waxyeelloobay duufaantii ku dhufatay Puntland.

Magaalada Jowahr ayaa bilihii lasoo dhaafay waxaa ka jiray fahaad xoog leh oo uu sameeyey webiga Shabeelle iyo colaad beeleed, waxaana dhawaan lagu guuleystay in la xiro buqdii fatahaadda keentay iyo la kala dhex galo beelihii dagaallamay.

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 0 %
Sad
Sad
0 0 %
Excited
Excited
0 0 %
Sleepy
Sleepy
0 0 %
Angry
Angry
0 0 %
Surprise
Surprise
0 0 %