Maleeshiyo taabcsan Khaatumo oo weerar gaadmo ah ku qaaday ciidanka Somaliland * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Maleeshiyo taabcsan Khaatumo oo weerar gaadmo ah ku qaaday ciidanka Somaliland

Mareeg.com: Maleeshiyo taabacsan maamulka Khaatumo ee uu hogaamiyo Cali Khaliif Galeyr ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday ciidamada maamulka Somaliland ee ku sugan tuulada Saax-dheer oo ah halkii madaxweynaha Khaatumo loogu doortay Dr. Galeyr.

Is-rasaaseyn dhex maraty labada dhinac ayaa la sheegay inuu ku geeriyooday hal askari, halka labo qof oo dumar ahna ay ku dhaawacmeen.

Maxamed Cabdullaahi oo ka mid ah dadka deegaanka Saax-dheer ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in is-rasaaseyntu timid kaddib markii ciidan ka tirsan Khaatumo ay dileen askari ka tirsanaa ciidanka Somaliland.

Wasiirka warfaafinta Khaatumo, Axmed Gacmo-yare ayaa sheegay in is-rasaaseyntu ay sidoo kale waxyeello u geysatay guryo ku yaalla deegaanka.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Somaliland oo ku aaddan shaqaaqada ka dhacday deegaanka Saax-dheer.

Tuulada Saax-dheer oo 75 km u jirta degmada Laascaanood, aya kadib markii lagu doortay Cali Khaliif waxaa weerar ku qaaday ciidamada Somaliland, kuwaasoo ilaa hadda heysta.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!