Jowhar, Mareeg.com: Maleeshiyo deeleed kazoo jeeda mid ka mid ah labo beeldoo oo dhawaan ku dagaalamaya bariga magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa isaga baxay tuulooyin ku yaalla bariga Jowhar.
Ka bixitaanka maleeshiyaadkan ee tuulooyinka aya timid kadib markii la gaaray heshiis horudhac oo ay qeyb ka qaadatay dowladda Soomaaliya iyo odayaasha dhaqanka gobolka Shabeellaha Dhexe.
Munaasabad lagu sagootinayay maleeshiyadan oo lagu qabtay meel dhinaca bari ka xigta magaalada Jowhar illaa 2KM ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka socotay maamulka gobolka Shabveellaha Dhexe, saraakiil ka socotay wasaarada arrimaha gudaha, nabadoono, aqoonyahano, dhalinyaro, culumaa’udiin iyo haween reer Shabeellaha Dhexe ah.
Hadalladii laga jeediyey munaasabadda ayaa lagu sheegay in la dhameeyey colaadii ka dhacay bariga Jowhar, islamarkaana maleeshiyaadkaan u guurayaan tuulooyinkooda si dadkii halkaas deganaa oo barakac ku joogaan agagaarka garoonka Jowhar ay dib ugu soo laaban karaan deegaanadooda.
Kusimaha guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeellaha Dhexe Yuusuf Cabdi Cabdulle oo ka qeybgalay munaasabaadaan ayaa waxa uu u mahadceliyay wasaarada arrimaha gudaha oo soo qabanqaabisay qaabkii maleeshiyaadkaan loogaga saari lahaa deegaanada ay dagaaladu ka dhaceen.
Yuusuf Cabdi Cabdulle ayaa sheegay in heshiiska la gaaray ay ka mid ah tahay in ciidamada dowladda Soomaaliya la geeyo deegaanada lagu dagaalamay.
“Waxaa hore loo gaaray heshiis ka kooban qodobo ay kamid yihiin xabadjoojin, in maleeshiyaadka la kala qaado, in ciidamo ka socda dowlada la geeyo deegaanada ay colaadu ka dhacday kadibna la soo afjaro colaada.”ayuu yiri Yuusuf Jaalle.
Deegaanadan ayaa waxaa horay ugu dagaallamay beesha Maxamed Muuse ee Abgaal iyo Beesha Walamooy ee Jareer Weyne, waxaana colaadda qaboojiyey dowladda Soomaaliya iyo waxgaradka Shabeellaha Dhexe.
Mareeg.com